Mucaaradka Soomaaliya oo ku adkaystay inuu berito dhacayo bannaanbaxa looga soo horjeedo barakacinta shacabka Muqdisho
mucaaradka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ku adkaystay inuu maalinta berrito ah dhicidoono bannaanbaxa ay kaga soo horjeedaan waxay ugu yeereen barakacinta iyo burburinta ka socota caasimadda, iyagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay si xoog ah uga rarayso shacabka deegaannada ay deggenaayeen. Xildhibaan Cabdiraxmaan Warasame oo kamid ah siyaasiyiinta horboodaya mudaharaadka dowladda looga soo horjeedo, ayaa sheegay...
Ciidamo taabacsan Madaxweynihii ee Koonfur Galbeed oo u ruqaansaday magaalada Baydhabo
Ciidamo aad u hubeysan oo taabacsan Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Koonfur Galbeed, Laftagareen ayaa kasoo ruqaansaday gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland iyagoo usoo ruqaansaday dhanka gobollada Baay iyo Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamadaan ayaa doonaya inay dib ula wareegaan deegaanadii hore u faarujiyeen kuwaasi oo loogu itaal roonaaday. Sidoo kale shaashaduhu waxay soo qabanaayeen Wasiirkii hore Amniga...
Maxaa ka socda Hotelka Jazeera iyo qorshaha mucaaradka?
Waxaa goordhow ka furmaya hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho shir gaar ah oo ay yeelanayaan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya, kaas oo si weyn isha loogu hayo, maadaama lagu wado inay si rasmi ah ugu shaaciyaan goobaha iyo degmooyinka ay ka dhacayaan bannaanbaxyadii ay hore ugu baaqeen. Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli mucaaradku ay wadaan kulamadoodii ugu dambeeyay iyo abaabul xooggan oo...
Baarlamaanka Türkiye oo ansixiyay heshiis deeq taageero ah oo ay la gashay Soomaaliya
Golaha Baarlamaanka ee dalka Türkiye ayaa ansixiyay heshiis taageero deeq ah oo nooc ahaan ah oo lala galay Somalia, iyadoo mudanayaashu ay muujiyeen sii ballaaranaya iskaashiga dhaqaale, amni iyo horumarineed ee Ankara la leedahay Soomaaliya. Doodihii ka dhacay Baarlamaanka Turkiga intii lagu jiray ansixinta heshiiska ayaa xildhibaanno ka kala socday dhinacyada siyaasadda ku falanqeeyeen doorka sii kordhaya ee Türkiye ku...
Dowladda Soomaaliya oo caawa Xabsiga dhigtay 3 wariye oo ka howlgala Muqdisho
Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa xabsiga dhigay seddax wariye oo ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya. wariyaasha la xiray ayaa kala ah : 01-Cabdishakuur Maxamed Maxamuud oo ka tirsan howl-wadeennada Somali Stream 02-Maxamed Ibraahim Bulbul oo ah Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate - SJS 03-Cabdixafiid Nuur Barre oo ka tirsan howl-wadeennada Somali Cable TV. Saddexda...
Wasiir Ruku oo tagay Gaarisa waxa uu arkay Xafiisyada Adeegga Bulshada oo xiran isla markaana shaqaale joogin!
Wasiirka Adeegga Dadweynaha ee Kenya, Geoffrey Ruku kormeer kedis ah ku tagay Xafiiska Maamulka iyo kan adeegga Dadweyne ee Ismaamulkaas waxa uu waayay qof kamid ah Shaqaalaha iyo maamulka waxaana xirnaa dhammaan qolalka shaqada & Xafiisyada. Waxa uu sheegay in tani ay tahay wax laga xumaado isla markaana muujinaysa niyad-jabka Bulshada maadaama aysan haysan adeegyadii ay uga baahnaayeen Xafiisyada loogu...
Somaliland iyo ganacsato Israa’iili ah oo Addis Ababa ku yeeshay wada-hadallo maalgashi
Wufuud ka kala socotay Somaliland iyo ganacsato Israa’iili ah ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku yeeshay kulan diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ganacsiga iyo maalgashi ee labada dhinac, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland. Kulanka ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, halka dhinaca Israa’iil ay ka qayb galeen...
Laamaha ammaanka Kenya oo raadinaya Dad ay la xiriirinayaan ‘Al-shabaab’ oo qarax ka fuliyay Mandheera
Laamaha ammaanka Kenya ayaa raadinaya koox ay ku sheegeen in ay katirsan yihiin ‘Al-shabaab’ Kuwaas oo qarxiyay goob laga qodo carrada loo adeegsanayo dhismaha waddada muhiimka ah ee isku xiraysa Kenya, Itoobiya & Soomaaliya. Dhimasho iyo dhaawac kama dhalan Qaraxaas sida ay ku warrameen Saraakiisha amniga, waxa ay sheegeen in ay ku raad-joogaan kooxdii ka dambaysay si looga hortago qaraxyo...
Burcad-badeedda Soomaali ah oo ka dagay doon Imaaraat ka laga leeyahay oo horey u afduubteen
Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa ka dagay doon laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo ay afduubteen bishii hore, kaddib markii ay ku guuldarreysteen inay u adeegsadaan weerarro ka dhan ah maraakiib kale, sida ay saraakiil ka tirsan maamulka Puntland u sheegeen wakaaladda AFP. Kooxdan oo ka koobnayd 11 burcad-badeed ayaa dabayaaqadii bishii April qabsatay doonta lagu magacaabo Fahad-4, xilli ay ku...
Dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sanaag
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeroyooday dagaal u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah oo ku dagaallamay deegaanka Dooxada Laashimo ee hoostaga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Dagaalka oo billowday shalay ayaa salka ku hayay muran la xiriira dhul daaqsimeed, waxaana uu sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo iska horimaadku socday in...









