Maamulka Gobolka Banaadir oo hakiyay hawlaha dhul Bur -burinta Muqdisho

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aanno cusub oo si ku-meel-gaar ah u saameynaya howlaha dib-u-habeynta dhulalka caasimadda Muqdisho, kadib cabashooyin xooggan oo ka yimid shacabka ku nool qaar kamid ah degmooyinka magaalada. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Dheere oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa warbaahinta u akhriyay go'aano rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,...

Madaxweynaha Galmudug oo dib u magacaabay Taliyihii Qeybta Booliiska Galmudug ee DFS xilka qaaday

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa soo saaray wareegto madaxweyne oo tixraaceedu yahay Lr. 320, taas oo dib loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug, G/le Sare Khaliif Cabdulle Maalin. Wareegtada ayaa lagu caddeeyay in go’aankan loo qaatay ka dib markii la eegay baahida loo qabo dardargelinta iyo tayeynta amniga degaannada Galmudug. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha...

Dowladda Burkina Faso oo Soomaaliya ka caawinaysa la dagaalanka AS

0

Dowladda Burkina Faso ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay Soomaaliya ka taageerayso dagaalka AS gaar ahaan sidii ciidanka Soomaalida loo siin lahaa khibrado la xiriira dagaalka. Madaxweynaha dalka Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré, ayaa la kulmay Wafdi sare oo ka  socda Soomaaliya, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag). Jeneraal...

Waa sidee Xaalada Dayniile ka dib dagaalkii xalay ka dhacay?

0

Xaalad degganaansho ah ayaa saaka dib ugu soo laabatay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile, kadib iska horimaad culus oo shalay galab illaa xalay fiidkii halkaasi ku dhex maray ciidamada dowladda iyo shacabka deegaanka. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada dowladda lagu eedeeyay inay isku dayeen burburinta guryo ay leeyihiin dad rayid ah, arrintaas oo dhalisay caro xooggan iyo iska caabin...

Maxkamad ku taalla Mareykanka oo 30 xabsi ah sano ku xukuntay muwadin Soomaaliyeed

0

Maxkamadda Federaalka ee gobolka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa maanta xukun adag ku ridday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu helay dambi la xiriira afduub sababay dhimasho. Mahamud Tooxoow Maxamed, oo 44 jir ah, ayaa Garsooraha Maxkamadda Degmada ee Maraykanka, Megan B. Benton, waxay ku xukuntay 30 sano oo xabsi federaal ah, ka dib markii lagu helay dambiga afduubka iyo dilka haweeney...

Afar Weriye oo lagu xiray Muqdisho iyo Cambaareyn laga soo saaray

0

Ciidanka Booliiska ee Saldhigga Xamar Jajab ayaa si xoog ah ku ka xeystay Wariyaha Shabelle Shugri Caabi Cabdi iyo Muuqaal Duubbe Cabdullaahi Cabdifitaax Siidoow, xili ay ku guda jireen sameynta sheeko ku saabsan barakicinta Shacabka ee ka socota Muqdisho. Askartaan ayaa la sheegay in ay si aan wanaagsaneyn ula dhaqmeen wariyayaasha Shabelle islamarkaana ay qalabkii ka qaateen inta aysan xirin. Sidoo...

DEG DEG: Dagaal hub culus la isku adeegsanayo oo ka socda xaafadda Warlaliska ee Degmada Dayniile

0

Ciidamo u xilsaarin dhul-boobka, oo boob iyo barakacin ka bilaabay dhulal ay degganyihiin dad shacab ah oo ku yaal xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, ayaa iska caabin adag kala kulmay dadka deegaanka caawa. Dalkaas oo dhacay goor dhow, ayaa si gaar ah u dhexmaray dadka deegaanka iyo Ciidamada dowlda soomaaliya dhul boon u socday, kuwaas oo uu...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Magacaabay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, kadib markii uu tixraacay qodobka 120-aad, farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska u magacaabay Cabdifataax Qaasim Maxamuud, isagoo tilmaamay baaxadda...

Ciidamada Asluubta oo Xiray Waddo Muhiim ah oo ku Taalla Muqdisho, Cabasho Mushaar La’aan ah darteed

0

Ciidamo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa saakay xiray waddada gasha xabsiga dhexe ee magaalada, taas oo hormarta Dekedda Muqdisho, iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan muddo dheer soo jiitameysay. Qaar kamid ah askartaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo ka badan hal sano aysan helin wax mushaar ah, taas oo keentay in ay qaadaan tallaabadan ay waddada...

Maraykanka oo sheegay inuu duqeyn ka dhan ah Daacish ka fuliyay Calmiskaad

0

Maraykanka ayaa sheegay inuu duqayn cusub oo cirka ah ay ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray howlgalka AFRICOM. Taliska Africom ayaa sheegay in duqayntu ay beegsatay garabka ISIS ee ka dagaallama Puntlnd, gaar ahaan deegaan qiyaastii 46 mayl u jira koonfur-bari magaalada xeebta leh ee Boosaaso. AFRICOM ma bixin faahfaahin dheeraad...