Maxay kawada hadleen RW Xamsa & Bulshada Rayidka ah?
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay xubno katirsan Ururrada Bulshada Rayidka iyaga oo kawada hadlay xaaladda guud ee Dalka isla markaana isku dhaafsaday talooyinka muhiimka ah. Xamsa Cabdi Barre ayaa soo dhaweeyay talooyinka uga yimid Ururrada Bulshada Rayidka ah isaga oo ku bogaadiyay doorka ay ku lahaayeen dowlad-dhiska Soomaaliya gaar ahaan dhimsha Jamhuuriyadda 3aad. Wasiirka...
Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage lagu celiyay barkontarool oo ku Taalla Muqdisho
Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage lagu celiyay barkontarool oo ku taala magaalada muqdisho isagoo watay hub culus iyo gaadiid ciidan, arrintaas oo si degdeg ah u dhalisay muran iyo gacan ka hadal. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in maalmahan dambe uu jiray cadaadis xooggan oo kaga imaanayay dhinaca dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo la sheegay in qorshe lagu...
Golaha Mustaqbalka oo Shuruudo ku xiray ka qeyb galka wadahadalka Dowladda
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay mowqifkooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo ku xiray ka qeybgalka wadahadal kasta shuruudo adag oo la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in casuumaadda Madaxweynaha ee ku aaddan wadahadalka la qorsheeyay 10-ka May 2026, inay soo dhoweynayaan balse ku xiray shuruudo cad oo lagu...
Roob xooggan oo ka da’ay Muqdisho & Waddooyin isu socodkoodu joogsaday
Magaalada Muqdisho waxaa ka da’ay roob xooggan oo saamayn taban ku yeeshay isu socodka waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda iyo Xaafadaha, waxaa joogsaday isu gudubka Gaadiidka sababo la xiriira biyaha xareedda oo fadhiistay goobaha biyo degeenka ah. Waddooyinka roobka u go’ay waxaa kamid ah marinka loo maro Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, qaybo kamid ah Jidadka Warshadaha, Soddonka...
Xildhibaan Fardowsa Cigaal oo iska casishay xubinnimada JSP
Wasiirkii hore ee Duullista hawada Soomaaliya, Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in ay iska casishay xubinnimada Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka JSP sida ay ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook. Fardowsa ayaa ahayd Xoghayaha Batroolka iyo Macdanta ee Xisbiga JSP, ma sheegin sababta keentay in ay iska casisho xilkaan iyo xubinnimada Xisbigaan iyada oo ku biiraysa Liiska xubnaha...
Duqayn xooggan oo maanta lagu garaacay xubno Daacish ah oo ku sugnaa ceelka Miiraale
Duqayn xooggan oo loo malaynayo inay fuliyeen ciidamada Maraykanka ayaa maanta lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in duqayntan ay daba socotay iska horimaadyo socday tan iyo shalay, kaas oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish, kaas oo ka socday aagga Ceelka Miiraale, halkaas oo ay ciidamadu isku...
Uganda oo Soomaaliya keentay ciidamo baddelaya kuwii horay dalka ka joogay
Dowladda Uganda ayaa baddeshay Ciidankii Soomaaliya ka joogay iyada oo soo dirtay ciidamada loo yaqaan kuwa Dagaalka ee Kooxda 47 kuwaas oo si ka duwan ciidankii hore uga howlgallaya Soomaaliya sida ay ku warrameen Saraakiil katirsan Ciidanka UPDF. Ciidankaan ayaa kahor inta aan Soomaaliya loosoo qaadin waxa ay soo mareen tababar kooban oo sida sharciga ah la siiyo Ciidamada Nabad...
Gaalkacyo: Dr: Faarax Maxamed Cabdi oo dib u helay xorriyadiisa
Dr: Faarax Maxamed Cabdi oo muddo 12 berri ah afduub loogu haystay degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa maanta dib u helay xorriyadiisa. Qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka gobolka Mudug ayaa ku guuleystay in ay kala soo wareegaan maleeshiyaadkii haystay iyadoo isla maanta lagu wareejiyey Mas’uuliyiin katirsan Puntland iyo Dhakhaatiirtii uu katirsanaa. Mid kamid ah waxgaradka degmada Bursaalax ee gobolka Mudug...
Laftagareen oo sheegtay in wali yahay Madaxweynaha sharciga ee Koonfur Galbeed
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada uu haatan wado ee la xiriira maamulkaasi, maadaama horay looga adkaaday, lagana saaray magaalada Baydhabo. Ugu horreyn Lafta-gareen ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed, isla markaana mar labaad loo doortay hoggaanka, sida uu ku dooday “Waxaan horay u ahaa madaxweyne, waxaana...
Xaaladda Xorriyadda Hadalka Soomaaliya 2026: Weeraro, caburin iyo xarig
Maanta oo ku began 3-da May waxaa dalalka caalamka oo dhan ay u dabbaaldegayaan xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo ah maalin loogu talagalay in lagu muujiyo kaalinta saxafiga iyo xaqa ay u leeyihiin in cid kasta ay gacan ku siiso habsami u socodka howlaha warbaahinta iyo guud ahaan badqabka qeybaha shaqalaha ee ururada saxaafadda. 3-da May waa maalin caalami ah...









