Xaaladda Xorriyadda Hadalka Soomaaliya 2026: Weeraro, caburin iyo xarig

0

Maanta oo ku began 3-da May waxaa dalalka caalamka oo dhan ay u dabbaaldegayaan xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo ah maalin loogu talagalay in lagu muujiyo kaalinta saxafiga iyo xaqa ay u leeyihiin in cid kasta ay gacan ku siiso habsami u socodka howlaha warbaahinta iyo guud ahaan badqabka qeybaha shaqalaha ee ururada saxaafadda. 3-da May waa maalin caalami ah...

Burcad badeedda Soomaaliya oo xeebaha dalka Yemen ka afduubtay markab shidaal

0

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Yemen ayaa sheegay in markab shidaal sida oo ku sugnaa xeebaha gobolka Shabwa ay la wareegeen rag hubeysan oo aan la aqoonsan, kuwaas oo markabka u jiheeyay dhanka xeebaha Soomaaliya. Ad War kooban oo ay soo saareen ciidamada taageersan dowladda Yemen ayaa lagu xaqiijiyay in ay heleen warbixin ku saabsan afduubka markabka lagu magacaabo M/T Eureka, kaas oo...

Siyaasiyiinta mucaaradka oo ka hadlay qorshahooda wixii ka dambeeya 15 May

0

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo hor jeeda Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta Shir jaraaid ay ku qabteen Caasimadda Muqdisho waxa ay kasoo saareen war-saxaafadeed degdeg ah ay kaga hadleen xiisada kala dhaxeeysa Dowladda kadib wadatashiyo ay la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Banaadir. Mucaaradku waxay sheegeen in dalka uu galay xaalad siyaasadeed oo hubanti la’aan ah,...

Wasiirka Waxbarashada oo amar ku bixiyay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

0

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Farah Sheikh Abdulkadir, ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah looga guuro dhulka ay leedahay Jaamacadda Soomaaliya oo ay deggen yihiin dad shacab ah. Amarkan ayaa la soo saaray xilli uu wasiirku ka hadlayay munaasabad lagu dhagax dhigayay mashruuca casriyeynta jaamacadda, gaar ahaan xarunta Gaheyr, halkaas oo uu ku...

Jabuuti oo Soomaaliya usoo magacawday in uu Danjire uga noqdo Taliyihii dalka keenay ciidanka Hiil Walaal

0

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Danjire cusub usoo magacawday Soomaaliya, waxaa xilkaas loo igmaday Taliyihii hore ee Ciidamada Dalkaas, Kornayl Cismaan Dubbad Sugule oo door muuqda ka qaatay qorshihii ciidanka Wiil walaal lagu keenay Dalka December 2011. Cismaan waxaa lagu baddelay Maxamed Ibraahim Yuusuf, waxaana lagu wadaa in uu si rasmi ah u billaabo shaqadiisa ku saabsan ka shaqaynta danaha Soomaaliya iyo...

Khatarta burcad-badeedda oo sare u kacday xeebaha Soomaaliya

0

Walaaca laga qabo burcad-badeednimada ayaa si degdeg ah uga sii xoogaysanaya gobolka Geeska Afrika, kadib markii laba markab la afduubtay iyo dhacdooyin kale oo shaki leh oo laga soo sheegay galbeedka Badweynta Hindiya, taasoo keentay in saraakiisha amniga badda ay sare u qaadaan heerka khatarta gobolka. Qiimeyntiisii ugu dambeysay, Xarunta Wadajirka ah ee Macluumaadka Badaha (Joint Maritime Information Center) ayaa...

Garoonka Madiina oo Qaabilay Duullimaadyadii ugu horreeyay ee Xujeyda Soomaaliya Iyo Dalal Kale

0

Garoonka diyaaradaha ee Amiir Maxamed Bin Cabdulcasiis ee magaalada Madiina ayaa Khamiistii si rasmi ah u bilaabay qaabilaadda duullimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda sanadkan, kuwaas oo ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Aljeeriya, Marooko iyo Filibiin. Maamulka socdaalka Sacuudiga ayaa sheegay in si habsami leh loo dhammeystiray habraacyadii gelitaanka xujeyda, iyadoo aan wax dib u dhac ama caqabado ah la soo...

EU: Dagaalka Iran oo kordhiyay khatarta burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya

0

Taliska Hawlgalka Badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in dagaalka ka socda Iran  uu qeyb ka yahay kororka cusub ee burcad-badeednimada ka bilaabatay xeebaha Soomaaliya, taasoo walaac weyn ku abuurtay amniga marin-biyoodka caalamiga ah ee ugu mashquulka badan. Warbixinta ayaa lagu sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay la xaqiijiyay ugu yaraan saddex weerar oo burcad-badeed ah, kuwaas oo lagu qabsaday...

Amaro culus oo la dul dhigay Booliska Caasimadda Muqdisho

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa ee Hoggaanada, Qeybaha, Fadhiyada Madaxa-bannaan, iyo talisyada Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay saraakiisha saldhigyada Booliiska ee Gobolka Banaadir, waxaana si gaar ah loogu adkeeyay muhiimadda...

Safiirka UK ee Soomaaliya oo sheegay in uu ku shaqeeyo cabsi iyo khatar joogto ah

0

Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda nololeed iyo shaqo ee uu kala kulmo magaalada Muqdisho, oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha diblomaasiyadeed ee ugu khatarta badan caalamka. Qoraal uu daabacay ayuu King ku sheegay in subaxdiisa caadiga ah mararka qaar ay ku bilaabato dhawaaqa diyaaradaha dagaalka ee F-16, taas...