Safiirka UK ee Soomaaliya oo sheegay in uu ku shaqeeyo cabsi iyo khatar joogto ah
Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda nololeed iyo shaqo ee uu kala kulmo magaalada Muqdisho, oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha diblomaasiyadeed ee ugu khatarta badan caalamka. Qoraal uu daabacay ayuu King ku sheegay in subaxdiisa caadiga ah mararka qaar ay ku bilaabato dhawaaqa diyaaradaha dagaalka ee F-16, taas...
Ciidamadii ugu badnaa oolagu kordhiyay saldhig kasta oo ku yaalla Degmooyinka Muqdisho
Ciidamadii ugu badnaa ayaa lagu kordhiyay saldhig kasta oo ku yaalla degmooyinka Muqdisho, iyadoo la arkayo dhaq-dhaqaaq ciidan oo aan caadi ahayn. Meel kasta waxaa lagu arkayaa askar dheeraad ah oo lagu biiriyay kuwii horey u joogay, taasoo muujinaysa feejignaan sare oo dhanka amniga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa si muuqata u adkeyneysa ammaanka caasimadda, iyadoo laga cabsi qabo in xaalado...
Cutubka ugu horreeya ee Ciidanka Masar ee ku biiraya AUSSOM oo Soomaaliya kusoo wajahan
Cutubkii ugu horreeyay ee Ciidanka Masar ee qaybta ka noqonaya Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa kusoo wajahan Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan oo si dhow uga warqaba howshaan lagu soo daabulayo ciidamadaan. Masar ayaa Soomaaliya usoo diraysa ciidan gaaraya 1,410 askari kuwaas oo wata gaadiid ka duwan kuwa ay ku howlgallaan ciidamada kale ee wadaagaan magaca howlgalkaan...
Nin Soomaali ah oo weerar ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah dalka Ingiriiska
Nin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa weerar mindi loo adeegsaday ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah magaalada London ee dalka Ingiriiska, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Booliska London ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay xaafadda Golders Green ee waqooyiga London, isla markaana loo arko fal argagixiso oo lala beegsaday dadka Yuhuudda ah. Labada nin...
Xaaladda ammaan iyo tan siyaasadeed ee magaalada Muqdisho oo gashay weji cusub
kaddib markii uu soo shaac baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya Madaxtooyada Soomaaliya iyo Jeneraal Saneey Cabdulle. qodobbada xasaasiga ah ee horseeday iska hor-imaadkan, iyo cabsida sii kordheysa ee ku wajahan taariikhda 15-ka May. Saneey Cabdulle waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa sargaalkii furimaha dagaalka ee Aadan Yabaal isaga soo baxay xilli lagu guda jiray howlgal culus. Isagoo adeegsanaya marinno dadban,...
Iska hor imaad u dhaxeeya ciidamad Puntland iyo burcad badeedda oo ka dhacay Garacad
iska hor-imaad ka dhacay degaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray xubno ka tirsan ciidamada Puntland. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Taliyaha saldhigga degmada Jariiban, Cabdullaahi Cabdi Cilmi “Guray Dusaaye” (Booyaax), uu ku dhaawacmay iska hor-imaadka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo faahfaahin xaaladdiisa caafimaad. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay geerida Marxuum Asad Carab,...
Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda iyo badqabka bulshada. Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee deegaannada Jubaland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka. Golaha Wasiiradda ayaa faray hay’adaha amniga inay tallaabo sharci ah ka qaadaan dhammaan gaadiidka...
Mungaab oo xilka ka qaaday Guddoomiyeyaal ku soo baxay Doorasho qof iyo cod ah!
Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xilka kaga qaaday guddoomiyeyaashii degmooyinka Dayniile, Cumar Mohamud Mahadale, Shangaani, Safiyo Cismaan Maxamed, iyo Gubadley Cabdullaahi Nuur Maxamuud. Su’aallo iyo hadalheyn ayaa ka dhashay xil ka qaadista Mas’uuliyiintan oo bishii Decembar ee sannadkii 2025 lagu soo doortay Doorasho qof iyo cod ah oo ay u dareereen dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir. Wareegto ka...
Uganda oo guuto cusub oo Ciidamo ah usoo diraysa Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka Midowga Afrika
Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqay inay Soomaaliya usoo dirayso guutada dagaalka lambarkeedu yahay 47-aad, taas oo qeyb ka noqon doonta howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, kadib markii ay soo dhammaystirtay tababaro adag oo loo diyaarinayay howlgalkaan si ay ugu soo biiraan. Munaasabadda sagootinta ciidankan ayaa lagu qabtay 28-ka Abriil 2026 deegaanka Nakaseke ee , halkaas oo Taliyaha Qaybta Koowaad,...
Kulan u dhexeeyay beesha caalamka iyo xubnaha mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka oo maanta ka dhacay xerada Xalane
Kulan xasaasi ah oo u dhexeeya beesha caalamka iyo xubnaha mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa si fogaan-arag ah uga qeyb galay madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo qeyb ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan...









