Uganda oo guuto cusub oo Ciidamo ah usoo diraysa Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka Midowga Afrika
Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqay inay Soomaaliya usoo dirayso guutada dagaalka lambarkeedu yahay 47-aad, taas oo qeyb ka noqon doonta howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, kadib markii ay soo dhammaystirtay tababaro adag oo loo diyaarinayay howlgalkaan si ay ugu soo biiraan. Munaasabadda sagootinta ciidankan ayaa lagu qabtay 28-ka Abriil 2026 deegaanka Nakaseke ee , halkaas oo Taliyaha Qaybta Koowaad,...
Kulan u dhexeeyay beesha caalamka iyo xubnaha mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka oo maanta ka dhacay xerada Xalane
Kulan xasaasi ah oo u dhexeeya beesha caalamka iyo xubnaha mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa si fogaan-arag ah uga qeyb galay madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo qeyb ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan...
Qarax lala beegsaday gaari ay leedahay shirkadda Golis Telecom oo ka dhacay Calmiskaad
Kooxda Daacish ayaa fulisay weerar qarax ah oo lala beegsaday gaari ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Golis Telecom ee ka howlgasha Puntland. Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay qaraxa, oo ay ku jiraan laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda Golis iyo laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta Puntland. Sidoo kale, hal askari ayaa dhaawac culus soo gaaray, iyadoo...
Hirshabelle oo bilaawday handadaad ay u geeysaneyso Maamulayaasha iskuulada ku yaala Degaanadeeda
Hirshabelle ayaa bilaawday handadaad iyo caga jugleyn ay ugeeysaneyso Maamulayaasha iskuulada ku yaala Magalloyinka Jowhar baladweyne Balcad buulaburde Mahadaay Jalalaqsi Warsheekh iyo Cadale. Maamulayaasha ayaa lagu qasbay in ay Ardayda iskuuladooda dhigata ay ka diiwan galiyan linki lasheegay in loogu codeeynayo doorashada la filayo in ay Hirshabelle ka dhacdo . Sida aad qoraalka hoose ku araktid Siciid Camaloow Waa Wasiirka Waxbarashada...
Saddex markab oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya toddobaad gudihiis
Saddex markab ayaa lagu afduubtay xeebaha Somalia illaa toddobaad gudihiis, taasoo sare u qaadday cabsida laga qabo dib u soo laabashada burcad-badeedda ka howlgasha Geeska Afrika, isla markaana culays cusub ku kordhisay warshadaha maraakiibta caalamka. Markabka ganacsiga ee Sward ayaa la qabsaday 26-ka Abriil. Dhacdadan ayaa daba socotay qabsashada 21-ka Abriil ee markabka shidaalka qaada ee Honour 25, kaas oo...
Dil ka dhacay magaalada Baydhabo
Magaalada Baydhabo waxaa dil loogu gaystay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Soomaali, kaas oo kamid ahaa dhalinyarada caanka ah ee magaalada Baydhabo. Cabdi Soomaali ayaa ahaa tababaraha kooxda Daarusalaam oo ka dhisan Baydhabo, iyadoo dilkiisa ay si weyn uga xumaadeen ehelladiisa iyo bahda ciyaaraha. Askariga...
Amnesty oo ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo Sacdiyo Macalin Cali oo kamid ah Darawaliinta Mooto Bajaajta
Hay’adda udoodda xaquuqda Aadahana ee Amnesty ayaa soo saartay baaq “degdeg ah” oo ku saabsan xarigga loo gaystay gabadh u ololeysa arrimaha bulshada oo lagu magacaabo Sacdiya Macalin Cali, iyadoo dalbatay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo. Sida lagu sheegay warbixinta, Sacdiya oo ah darawal Bajaaj isla markaana ah qof firfircoon oo baraha bulshada iyo dibadbaxyada nabadeed ka...
Doorashadii Guddoonka Golaha Shacabka BFS oo maanta laga jooga 4 sano
Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku beegnayd April 2022, maanta oo kale 28kii April isla sanadkaas waxaa la doortay Guddoomiye ku xigeennada Golahaas. Maanta 4 sano ayaa laga joogaa waqtigaas la qabtay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya, waxaa muddadaas u hirgeliyay meel marinta shuruuc badan oo kasoo gudbay Xukuumadda halka qaar kale...
Madaxweyne Deni: Haddii aan la helin heshiis Soomaali wada aqbasho ka hor 15-ka May, ma jiri doonto dowlad Federaal ah
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka digay in khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya ay halis gelin karaan jiritaanka dowladnimada dalka, haddii aan xal loo dhan yahay laga gaarin ka hor dhammaadka muddada xileedka madaxweyne Xasan Sheekh oo ku eg 15-ka May. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo ay Soomaali wada aqbasho, aysan...
Dambi baarista Kenya oo waqti loo siiyay in ay ku baarto Musharrax Sahra Axmed Barre oo ku eedeysan kicinta Dadka
Hay’adda Baarista Dambiyada Kenya ee DCI ayaa 10 cisho loo siiyo in ay ku baaraan kiiska lagu eedeeyay Musharrax Sahra Axmed Barre oo ah ‘Kicin Dadweyne’ iyada oo ugu dambayn xabsi la dhigay si looga hortago fariinta ay dirtay. Waxa ay bannaanka soo dhigtay kiisas badan oo ku saabsan Gabdho lagu kufsaday Dhulka Soomaaliyeed ee maamul ahaan haatan hoostaga Kenya...









