Booliska Waqooyi Bari oo Soo Afjaray Shabakad si sharci dara ah dadka ku Tahriibisa
Ciidanka Booliska Waqooyi Bari, gaar ahaan qeybta gobolka Sool, ayaa howlgal qorsheysan oo ay kaashanayeen shacabka ku soo qabtay eedeysane lagu magacaabo Farxaan Farax Shaciye, kaas oo lagu eedeeyay inuu hormuud u ahaa falal tahriibin iyo mukhallasnimo. Sida ay sheegeen laamaha ammaanka, ninkan ayaa fududeyn jiray tahriibinta dhalinyaro ka kala imaneysay deegaanada Laascaanood iyo Buuhoodle, isagoo adeegsan jiray muuqaallo been...
Qaramada Midoobay oo u kuurgalaysa xaaladaha Bani aadamnimo ee Soomaaliya
Qaramada Midoobay ayaa qiimayn ku samaynaysa Xaaladaha Bani aadamnimo ee Soomaaliya, wafdi uu hoggaaminayo ku xigeenka Xoghayaha guud ee arrimaha Gargaarka aadanaha ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali ayaa soo dhaweeyay wafdigaan oo dalka joogaya ilaa 1da May isla markaana booqnaya meelo ay kamid tahay Baydhabo. Xaalado ka dhashay...
Kenya oo Booliis dheeraad ah u dirtay in uu kala dhexgalo dagaal u dhaxeeya Soomaalida & Kamba
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ciidamo booliis dheeraad ah ay u dirtay deegaannada ay ku dagaalamayaan Beelaha Soomaalida iyo Kamba si loosoo afjaro xiisadda galaafatay nolosha Dad badan isla markaana ay ku dhaawacmeen Dad kale. Saraakiil katirsan laamaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in ciidamadaan Booliiska ah ay gacan adag ku qabanayaan kooxaha hubaysa sidoo kalena ay badbaadin doonnaan Dadka...
Afar markab oo lagu bartilmaameedsaday falal lagu tuhunsan yahay afduub toddobaadkii la soo dhaafay
Maamulka badda ayaa ka digay khatar sii kordheysa oo ku wajahan maraakiibta ee xeebaha Soomaaliya ka dib markii doon ay noqotay markabkii ugu dambeeyay ee laysku dayay afduub. Hawlaha Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO) ayaa sare u qaaday heerka khatarta ee aagga ilaa “muhiim” markii ay ku dhawaaqeen in "dad aan la aqoonsan waxa ay yihiin ay qabsadeen markab. Ugu yaraan...
Somaliland oo Sheegtay Inay Qabtay Hub Shisheeye oo Lagu Khalkhalgelinayay Nabadda Awdal iyo Salal
Somaliland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay hub laga keenay dalal shisheeye, kaas oo la doonayay in lagu kiciyo colaado beeleedyo isla markaana lagu khalkhalgeliyo nabadda gobollada Galbeedka Somaliland, gaar ahaan Awdal iyo Salal. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), oo waraysi siiyay warbaahinta xukuumada, ayaa sheegay in Somaliland ay wajahaysay faragelin dibadeed tan iyo markii ay ku...
Cabdullaahi Maxamed Nuur oo Iska Casilay Xilka La-taliyaha Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya
Cabdullaahi Maxamed Nuur oo kamid ahaa siyaasiyiinta sida dhow u taageersanaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Madaxtooyada, kaas oo ahaa la-taliyaha Madaxweynaha. Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Cabdullaahi ku sheegay in go’aanka iscasilaaddiisa uu qaatay kadib markii ay isku fahmi waayeen Madaxweynaha xaaladda siyaasadeed ee...
Golaha Wasiirada Israa’iil oo Ansixiyay Safiirkii Dhawaan Somaliland Loo Soo Magacaabay
Golaha Wasiirada Xukuumadda Israa'iil ayaa ansixisay magacaabista safiirkii ay dowlada Israa'iil dhawaan usoo magacawday Somaliland, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Israa'iil. Golaha wasiirrada ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa oggolaaday magacaabista Danjire Michael Lotem, kadib soo jeedin uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa'ar. Wararku waxay sheegayaan in tallaabadan ay qayb ka tahay geeddi-socodka lagu ballaadhinayo...
Weerar Hubeysan Oo Lagu Qaaday Casho Suxufiyiinta Maraykanka Loogu Sameeyay Aqalka Cad
Weerar hubeysan ayaa habeenkii Sabtida ka dhacay afaafka hore ee hool lagu qabanayay casho sanadle ah oo suxufiyiinta loogu sameeyo Aqalka Cad ee magaalada Washington, halkaas oo uu ku sugnaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladdiisa. Ninka weerarka geystay oo watay qoryo iyo mindiyo ayaa isku dayay inuu gudaha u galo hoolka, balse waxaa si...
Lacagta Shilin Soomaaliga oo Isticmaalkeeda oo weli Laga Diiday Magaalada Muqdisho
Ganacsatada magaalada caasimadda Muqdisho, ayaa si rasmi ah u joojiyay qadashada lacagta shilinka Soomaaliga, taasi oo ay cabasho xooggan ka muujiyeen shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir. Diidmada lacagta shilinka Soomaaliga, go’aankan ayaa si deg deg ah uga dhaqan galay suuqyada waawayn ee kuyaal caasimadda, waxaa sidoo kale shilinka Soomaaliga iska diiday wadayaasha gaadiidka dadweynaha, sida Bii-elka, iyo goobaha kale ee...
Markab magaalada Muqdisho u waday 18,500 fuusto oo shidaal ah oo lagu haysto xeebaha Puntland
Faahfaahin cusub ayaa ka soo baxaysa markab lagu magacaabo Honour 25 oo ay kooxaha burcad-badeeddu ku afduubteen xeebaha Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in markabku uu sido qiyaastii 18,500 foosto oo shidaal ah oo loo waday magaalada Muqdisho, halkaas oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka jirto qiimo koror ku yimid shidaalka. Dhanka kale, wararka ayaa...









