Markab magaalada Muqdisho u waday 18,500 fuusto oo shidaal ah oo lagu haysto xeebaha Puntland

0

Faahfaahin cusub ayaa ka soo baxaysa markab lagu magacaabo Honour 25 oo ay kooxaha burcad-badeeddu ku afduubteen xeebaha Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in  markabku uu sido qiyaastii 18,500 foosto oo shidaal ah oo loo waday magaalada Muqdisho, halkaas oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka jirto qiimo koror ku yimid shidaalka. Dhanka kale, wararka ayaa...

Sheekh Shariif oo Duubabka Dhaqanka ugu Baaqay inay xal ka gaaraan Khilaafka Siyaasadeed ee Dalka

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu baaqay duubabka dhaqanka Soomaaliyeed inaysan ka bixin magaalada Muqdisho ilaa ay xal waara ka keenaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda. Sheekh Shariif ayaa sheegay in joogitaanka duubabka dhaqanka uu leeyahay qiimo weyn oo ay u leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, isaga oo bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay ku...

Ciidamada Xoogga oo howlgallo ka dhan ah ‘Al-shabaab ka billaabay Shabeelaha Hoose

0

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, ciidamadaan oo wata gaadiid badan oo Militari ayaa u dhaqaaqay deegaanno katirsan Gobolkaas. Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgallada qarsoon ee lagu beegsanayo Al-shabaab ay sii soconayaan ilaa inta ay gacantooda dib ugu soo celinayaan deegaannada ay joogaan dagaalamaayasha Al-shabaab ...

MW Xasan Sheekh & Xubno katirsan Mucaaradka oo ka qaybgalaya Caleemasaarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Faracadde

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah Mucaaradka ayaa maanta ka qaybgalaya Caleemasaarka Ugaaska Murusade, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ka dhacaysa Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnaha Mucaaradka oo aan muddooyinkaan kulmin ama isku arkin munaasabad tan lamid ah ayaa maanta kawada qaybgalaya munaasabadda caleemasaarka Ugaas Cabdirisaaq. Mas’uuliyiin kale oo Dowladda...

Muqisho waa caasimad laga shaqaysto ee aan loo shaqeyn?

0

Mashruuca Baanka Aduunka ee NAGAAD ($278.5M) bilaawday 2020-2026 wuxuu magaalooyinka dalka qaar u horseeday horumar, waxayna sameysteen Bulaacado biyaha Roobka magaalada ka saara iyo jidad yaryar, magaalooyinkaa waxaa kamid ah #Garoowe, #Baydhabo, #Kismaayo, #Dhuusamareeb iyo #Hargeysa ($25M Dollar) oo gadaal looga daray, shaqadeedu dhamaanayso Dec 2028, balse magaalada #Muqdisho oo dhaqaalaha Mashruucaa ugu badneyd waxay ku dhex hafatay bulaacadihii...

Sanbalooshe: “Go’aan la’aan ayaa hareysay xukunka madaxxweyne Xasan Sheikh Maxamuud”

0

Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe,  ayaa si kulul u dhaliilay hoggaanka Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in dowladdu ku guuldarreysatay inay wax ka qabato caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee dalka. Wareysi uu bixiyay, Sanbalooshe wuxuu sheegay in madaxweynaha laga filayay inuu saxo khaladaadka ka jira xukunkiisa, balse taas aysan dhicin. “Waxba lama saxin,...

Diyaarad safarkeedu ahaa Mandheera & Nairobi oo shil gashay

0

Diyaarad Safarkeedu ahaa Mandheera & Nairobi ayaa shil ku gashay Garoonka Diyaaradaha Mandheera kaddib markii ay awoodi waysay in ay cagaha saarto dhabbaha ay ku ordaan diyaaradaha, waxaana ay ka baxday dhabbihii ay ku ordi lahayd si ay u duusho. Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday diyaaradda ayaa muujinaya dhaawac soo gaaray diyaaraddaas, lama sheegin waxyeello kasoo gaartay Dadkii la...

Maxaad ka taqaanaa Saraakiisha u qaabilsan Hassan Sheikh Mohamud Barakicinta & duminta guryaha danyarta Muqdisho

0

Muddo afar sanno oo xiriir ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa la dhiban barakicin lagu eedeynaayo Dowladda Federaalka Soomaaliya Xafiiska ugu yeeraayo midka ugu weyn si siman in aysan ugu garaabin laguna dhibaateynaayo dadka rayidka ah, taasi oo sii xoogeysanaysay muddooyinkii ugu dambeeyay ilaa maalmihii lasoo dhaafay. Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo hareereheeda majirto meel badbaaday oo qeybaha bulshada danyarta ah ayaa...

17 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku geeriyooday Badda u dhaxeysa Spain iyo Aljeeriya

0

Ugu yaraan 17 dhalinyaro Soomaali ah ayaa ku geeriyootay badda u dhaxeysa Spain iyo Algeria kadib markii ay qalibantay doon ay la socdeen xilli ay isku dayayeen tahriib. Dadka dhintay ayaa la xaqiijiyey inay isugu jiraan 5 gabdhood iyo 12 wiil, waxaana geeridan ay mar kale muujineysaa khatarta weyn ee ku jirta safarrada sharci darrada ah ee badda. Safaaradda Soomaaliya ee...

Ciidan taabacsan Lafta-gareen oo gaaray Degaan udhaw Degmada Luuq+Sawirro

0

Ciidankii Baydhabo laga qabsaday ee Beesha Xariin ah ayaa Gaaray Balleey Baayga Gedo waxaana lagu soo dhaweeyay saldhig kumeel gaar ah oo laga siiyay Degmada Boholgaras waxaana socda Wada hadal sida ay Warbaahinta u sheegeen ilo lagu kal soonaan karo. Ciidamadan oo wata hub iyo gaadiid dagaal ayaa waxaay gaareen degmada Doolow, iyagoo safar dhanka dhulka ah uga soo baxay...