Wasaaradda Deegaanka Jubbaland oo ka digtay roobab iyo dabaylo culus oo ku wajahan degaanadaasi

0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jubbaland ayaa soo saartay digniin ku saabsan roobab culus oo la filayo in ay ka da’aan deegaannada Jubbaland toddobaadyada soo socda, kuwaas oo ay la socon karaan dabaylo xooggan oo saameyn ku yeelan kara nolosha bulshada iyo deegaanka. Wasaaraddu waxay sheegtay in xaaladda hawada ee loo yaqaan MJO (Madden-Julian Oscillation), oo ah nidaam saameyn...

Israa’iil oo dishay weriye Lubnaani ah xilli xabbad-joojin jirto

0

Israa’iil ayaa dishay weriye Lubnaani ah, oo lagu magacaabo Amal Khalil, isla markaana dhaawacday weriye kale oo lagu magacaabo Zeinab Faraj, inkastoo uu jiray heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya labada dhinac, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Lubnaan. Dowladda Lubnaan ayaa si adag u cambaareysay weerarkan, iyadoo ku eedeysay Israa’iil inay si joogto ah u jebinayso heshiiska xabbad-joojinta, isla markaana ay...

kulan xasaasi ah oo u socda safiirka Turkiga iyo mucaaradka DF

0

Kulan uu albaabada u xiran yahay ayaa guriga madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu uga socdaa safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ee maalmahan dhaq-dhaqaaqa ka waday Muqdisho ee caasimada soomaaliya. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka soo socda...

Roobka ka da’ay Muqdisho oo saameeyay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka

0

Magaalada Muqdisho waxaa saacadihii la soodhaafay ka da’ayay roob xooggan oo saameeyay dhaqdhaqaaqa ganacsiga,isu-socodka dadweynaha, iyo gaadiidka. Roobkan oo saacado socda ahaa kuwo isdaba-joog ah ayaa sababay inay biyuhu fariistaan waddooyinka halbowlaha u ah caasimadda, sida Waddada Maka Al-Mukarama, Soddonka, iyo laamiga 21-ka Oktoobar. Gaadiidka dadweynaha iyo mootooyinka Bajaajta ayaa ku dhiban inay maraan waddooyinkaas, taas oo keentay inay dad badani...

Maxaa ka soo kordhay Dhaqtarkii lagu Afduubay Magaalada Gaalkacyo

0

Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu afduubay Dr. Faarax Cabdi Maxamed oo ka mid ah hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF) ee ka howlgasha isbitaalka guud ee Gaalkacyo.Hospitals & Treatment Centers. Maleeshiyo beeleed hubaysan ayaa dhakhtarka afduubay, kuwaas oo dhawaan muuqaal ay duubeen ku dalbanayay in la sii daayo nin laga soo qabtay gudaha Itoobiya, islamarkaana hadda ku xiran magaalada Garowe, kaas...

Madaxweynaha Soomaliland oo u safray dalka Imaaradka Carabta

0

Madaxweynaha Soomaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar aan horey loo sii shaacin ugu amba-baxay dalka Imaaraadka Carabta. Madaxtooyada Maamulkaas oo soo saartay qoraal kooban ayaa xaqiijisay in safarka Madaxweynuhu uusan ahayn mid rasmi ah, balse uu yahay mid shaqsi ah. In kasta oo aan si rasmi ah loo shaacin muddada uu qaadan doono safarku, haddana ilo xog-ogaal ah ayaa...

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo hub ka dhigis lagu sameeyay, Xabsi Gurina laga dhigay

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in tallaabooyin amni oo culus laga qaaday qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo qeyb ka ahaa mas'uuliyiin horey uga tirsaneeyd xukuumadii Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis LaftaGareen. Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Cabdullaahi Watiin, ayaa la sheegay in xabsi guri la geliyay, kaddib markii lagu tuhmay inuu door ku lahaa...

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ka digay doorasho hal dhinac ah, kuna baaqay wadatashi qaran

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed, ayaa si adag uga digay in dalka laga hirgeliyo doorasho aan loo dhammayn oo hal dhinac ah, isagoo ku baaqay in xal siyaasadeed oo dhab ah lagu gaaro wadatashi qaran iyo heshiis ballaaran oo ay wadaagaan dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada. Isagoo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, Sheekh Shariif ayaa sheegay in xaaladda...

Senator Ted Cruz oo sheegay in Trump uu Somaliland aqoonsan karo ka hor inta aanu xilka ka dagin

0

Senator Ted Cruz ayaa muujiyay kalsooni xooggan oo uu ku qabo in Donald Trump uu aqoonsan doono Somaliland ka hor inta aanu dhammaan muddadiisa xilka, isaga oo Somaliland ku tilmaamay saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim u ah danaha Maraykanka ee Geeska Afrika, lakiin sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha oo u jawaabay Cruz ayaa sheegay in Washington ay wali aaminsanahay...

Dawladda Somaliya oo sannadkii lacag ka badan $14M oo dollar ka qaado diyaaradaha isticmaala hawadda Somaliland

0

Dawladda Soomaliya ayaa sannadkii lacag ka badan $14M oo dollar ka qaado diyaaradaha isticmaala hawadda Somaliland,Sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo waxa 24-kii saacadood hawada Somaliland mara 100 duulimaad oo duulimaad kasta ay Somaliya ka qaado lacag dhan $395 dollar. Marka 100 kaa duulimaad ee sida maalin laha ah u adeegsada Hawada Somaliland lagu dhufto $395 ee...