Daacish oo weeraro jidgal ah ku bilowday ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan Daacish
Kooxda Daacish ISIS ayaa kordhisay weerarrada ka dhanka ah ciidamada Puntland, iyadoo habeenadii ugu dambeeyay weerarro kala duwan ka fulisay deegaanno ka tirsan gobolka Bari, sida ay sheegayaan ilo amni. Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalamayaal ka tirsan kooxda ay weerar ku qaadeen deegaanka Dhaadaar, oo hore looga saaray gacantooda bishii Febraayo 25, 2025, xilli uu socday wejigii labaad ee hawlgalka...
Hay’adda IOM oo sheegtay in ku dhowaad 8 kun oo ruux ay ku dhinteen Tahriib
Hay’adda Socdaalka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM ayaa warbixin ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in sanadkii tagay 2025 ay tahriib ku dhinteen in ku dhow 8,000 ruux oo qaarkood la helay maydkooda halka qaar kale la waayay. Warbixinta ayaa lagu xusay in kororta Tahriibayaasha oo sanadkaas badnaa uu kordhay khasaaraha kasoo gaaray Dadka maadaama goobo cusub ay...
Taliska Booliska Baay oo mamnuucay in hubka culus lagu dhex qaato Gudaha magaalada Baydhabo
Taliska Booliska Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay amar cusub oo lagu mamnuucayo in gudaha magaalada Baydhabo lagu dhex qaato hubka culus, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida magaalada. Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Baay, Sadiiq Doodishe, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in laga bilaabo maanta aan magaalada dhexdeeda lagu wadan karin...
Maamulka Waqooyi Bari oo Dowladda Federaalka u gudbiyay cabasho ka dhan ah sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay
Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay dowladda federaalka, iyadoo ka cabanaysa sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu eedeeyay uu ku xadgudbay mabaadi’da gargaarka bini’aadannimo isla markaana uu caqabad ku noqday maamulkooda. Warqad ku taariikheysan 20-ka Abriil 2026, kuna socota Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Mohamud Abdirahman Sheikh Farah,...
Shirkadda Xamuulka ee MAERSK oo joojisay shaqada ay ka haysay Dekedda Berbera
Shirkadda Xamuulka ee Maersk ayaa si kumeel-gaar ah u joojisay xamuulkii ay gayn jirtay iyo kuwa ay kasoo qaadi jirtay Dekedda Berbera ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay shirkaddaasi. Waxa ay xustay in ay dhammaystirayso shaqooyinka qabyada u ah balse aanay jiri doonnin wixii maanta ka dambeeya in ay qabato dalbaad cusub iyada oo arrintaan sabab...
Dowladda Jarmalka oo shaacisay tirada Soomaalida aanay haysan sharciga wayn ee Dalkeeda
Dowladda Jarmalka ayaa soo bandhigtay tirakoobka ay ku samaysay Soomaalida ku nool Dalkeeda ee aanay haysan sharciga wayn ee Dalkaasi, waxa ay tilmaamtay in ay Dadkaas gaarayaan 68 kun sida bayaankeeda ay ku xustay. Tirakoobkaan ay samaysay Dowladda waxa ay ku ogaatay sida ay gobollada ugu kala sugan yihiin Dadkaan, Ragga iyo Dumarka kuwa badan marka la eego Dadkaas sida...
Hay’adaha ammaanka Federaalka oo wada howlgallo lagu soo qabanayo Dad dilal ka gaystay Duleedka Baydhabo
Duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka socda howlgallo lagu raadinayo Rag hubaysan oo dilay Askar katirsanaa ciidanka Badbaadada Koofur Galbeed kaddibna baxsaday sida ay u sheegeen warbaaahinta ilo kala duwan. Howlgalladaan waxaa si wadajir ah u wada ciidamo isugu jira Booliis iyo kuwa Militari ah si loosoo qabto Dadkaas loona horgeeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo sidaan...
Maraykan oo duqayn la beegsatay kooxda Daacishta ku sugan gobolka Bari ee Puntland
Taliska ciidanka Maraykanka ee (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Puntland ay beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan kooxda Daacish, iyadoo weerarku ka dhacay dhul buuraley ah oo qiyaastii 30 mayl u jira koonfur-bari magaalada dekedda ah ee Bosaso ee gobolka Bari. AFRICOM ayaa bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay in weerarka la fuliyay 17-kii Abriil, xilli ay sii...
Wasiirrada katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la amray in ay xilka Banneeyaan
Xubnaha Golaha Wasiirrada ee kamidka ah Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu amray in ay mid uun doortaan labadaas Xil sida ku xusan Dastuurka cusub ee Dalka, warsaxaafadeed kasoo baxay Guddiga Madaxabannaan ee Dib u eegista & Hirgelinta Dastuurka ayaa sidaasi lagu muujiyay. In Xildhibaanno iyo Wasiirnimo uu hal qof isku hayo waxa uu si toos ah uga hor imaanayaa qodobka 81aad,...
Mucaaradka iyo Odayaasha Dhaqanka oo Kulan Wada Tashi ah ku Yeeshay Muqdisho
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan siyaasadeed, kaas oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Federaalka iyo odayaasha dhaqanka ee beelah Hawiye, si ay uga arrinsadaan xaaladda guud ee dalka. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre,...









