Shirkada Alburuuj oo lumisay magaca iyo sumcaddii ay ku lahayd suuqa dhismaha ee Muqdisho
Shirkaddii weynayd ee Alburuuj waxay si cad u iibsatay sharafkeedii iyo sumcadeedii kadib markii dhabarka u ridatay daboolidda musuq-maasuq culus oo la xiriira burburka laba war-biyood. Dhowaan xariga ka jaray Gudoomiye Muungaab, Arrintani waxay si weyn u dhaawacday kalsoonidii ay bulshada iyo macaamiishu ku qabeen shirkadda. Marka koowaad, Alburuuj waxay lumisay magaca iyo sumcaddii ay ku lahayd suuqa dhismaha. Dadkii...
Somaliland oo Soo Dhawaysay Booqasho uu Madaxweynaha Taiwan Ku Imanayo Afrika
Somaliland ayaa si diirran u soo dhawaysay booqasho rasmiga ah oo uu Madaxweynaha Taiwan, Lai Ching-te, ku tagayo Boqortooyada Eswatini ee Koonfur Afrika, taas oo noqonaysa safarkiisii ugu horreeyay ee uu ku yimaado qaaradda Afrika tan iyo markii uu xilka la wareegay. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay hambalyo u dirtay Madaxweynaha...
Itoobiya oo mar kale xoogga saaraysa helitaanka badda iyadoo u aragta arrin ku xiran amnigeeda
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa mar kale si xooggan u soo hadal qaaday baahida dalkiisa u qabo marin badeed, isaga oo markan u rogay dood ku saabsan amniga qaranka iyo madaxbannaanida xogta. Hadal uu ka jeediyay telefishinka dowladda iyo wareysi uu siiyay warbaahinta ETV, ayuu ku sheegay in ku tiirsanaanta waddamo kale ay Itoobiya ka dhigeyso mid nugul...
DFS oo mar kale dib u dhiseysa Buundooyinka Sabiib iyo Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose
Xubno kamid ah Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulan looga hadlay dib u dhiska buundooyinka Sabiib iyo Bariire oo go’ay hal bil ka hor. Kulanka ayaa waxaa guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, iyadoo uu ka qeyb galay Wasirka Wasaaradda Beeraha XFS, Maxamed Xayri Maareeye iyo mas’uuliyiin kale. Shirkaan ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha hor taagan dib u...
Puntland oo sheegtay in aysan aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo dowladda madaxweyne Xasan Sheikh
Puntland ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin muddo kordhin sharci darro ah oo lagu sameeyo hay’adaha dowladda federaalka, iyadoo ka digtay in tallaabo noocaas ah ay horseedi karto khatar amni iyo xasillooni darro siyaasadeed. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland, Bile Qabowsade, ayaa sheegay in uu dhammaaday muddo xileedkii afarta sano ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, halka muddo xileedka Madaxweynaha uu...
Howlgallo ka dhan ah Dadka Dhirta u roga Dhuxusha oo ka socda Gobolka Mudug
Ciidamada ammaanka ee Gobolka Mudug gaar ahaan Booliiska ayaa howlgallo ka dhan ah Dadka Dhirta u baddela Dhuxusha ka sameeyay Deegaanno hoostaga Magaalada Ceeldibir ee Bariga Gobolkaas ee Dowlad-Goboleedka Galmudug. Inta uu howlgalka socday waxa ay Ciidamo qabteen Dad ku howlanaa xaalufinta dhirta, Gaari lagu raray dhuxul la diyaariya iyo Dhir cusub oo xiligaas u duugnayd in loo baddelo Dhuxul,...
Sidee ayaa looga falceliyay dib u furista Marinka Hormuz?
Falcelin togan ayaa ka timid dib u furista Marinka Hormuz oo muddo u xayirnaa colaadda Bariga Dhexe, waxaa soo dhaweeyay go’aankaas dhinacyo isugu jira Dowlado, Hay’ado iyo Ururro muhiim u ah adeegsiga marinkaas. Dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Iiraan, Maraykanka, Qaramada Midoobay, hay’adda Bad mareennada Caalamiga ah, Guddi ay ku midaysan yihiin Maraakiibta Shidaalka ayaa soo dhaweeyay tallaabadaan cusub. Waxa ay ku...
Ganacsatada Baydhabo oo lagu amray in la isticmaalo Lacagta Shillin Soomaaliga ah
Amar kasoo baxay Taliska Booliiska Magaalada Baydhabo waxaa Ganacsatada Magaaladaas la faray in ay isticmaalaan lacagta shillin Soomaaliga ah oo maalmo kahor ay diideen kaddib markii meelo kala duwan oo Dalka ah laga joojiyay adeegsigeeda inkasta oo dib loo fasaxay. Taliska Booliiska ayaa Dadka Lacagaha Safirra faray in ay meesha ka saaraan lacagta xad-dhaafka ah ay ku sarifayaan dibna ugu...
Dalalka Yurub ma badbaadin karaan sii jiritaanka NATO haddii uu Maraykanka ka baxo?
Waxaa bannaanka usoo baxay warar sheegaya in Maraykanka uu doonayo in uu ka baxo Isbahaysiga NATO kaddib markii uu dhowr jeer dhaleeceeyay kuna dhaliilay in ay ku daawadeen duullaankii uu ku qaaday Iiraan 28kii Febaraayo 2026. NATO oo dhowr jeer uu Donald Trump ku tilmaamay in aysan kahor istaagi Karin Jasiiradda Greenland iyo in Washington ay ka awood badan tahay...
Roob ka da’ay Muqdisho oo burburiyay Warta Siigaale oo Gobolka Banaadir uu ku dhisay lacag uu ka helay Bangiga Adduunka+sawirro
Warta Siigaale ee Degmada Hodan oo dib u dhis loogu sameeyay mashruuc ka yimid Bangiga Adduunka oo lasoo mariyay Maamulka Gobolka Banaadir si loo xakameeyo biyaha ka dhasha Roobka ayaa saaka ku burburtay roob yar oo ka da’ay Caasimadda. 9kii Bishaan waxaa xarrig jaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, waxa uu xiligaas sheegay in Dhismaha Warta Siigaale uu...









