isticmaalka Baraha Bulshada iyo Nabadda
ka fikir inta aadan qorin,lawadaagin,ama faafin ka fiiso ka ho inta aadan wax soo dhigin U Isticmaal baraha bulshada mideyn Ha u isticmaalin kala qay-bin. Noqo cod nabadeed iyo isku-duubnin bulsho #DigitalResponsibility #YouthForPeace #barahabulshadaiyonabadda
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baaq u diray Hay’adaha Gargaarka si Loo Taageero Dadka ay Abaartu Saameysay
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa soo saaray baaq madaxweyne oo ku aaddan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanno ka mid ah Koonfur Galbeed, taas oo saameyn ba’an ku yeelatay nolosha shacabka, gaar ahaan reer guuraaga iyo beeraleyda. Baaqan oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha, kuna taariikheysan Baydhabo 24-ka Diseembar 2025, ayaa lagu sheegay in abaartu...
Booliiska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay askari ku eedeysan qalqal galin dadweyne
Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhiga degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda eedaysann qalqal galin dadweyne. Askariga ku eedeysan qalqal galinta dadweyne ayaa lagau magacaaba Dable Xuseen Idoow Cabdullaahi, kaasoo dad shacab ahaa ku qalqal galiyay goob ay ku sugnaayeen, isagoona xabado ka dhex furay. War qoraal ah oo kasoo...
Mareykanka oo kashifay sir culus oo Soomaaliya ah iyo khasaaraha 8,000 askari oo…
Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday xog xanuun badan oo muujineysa in 8,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dagaalka muddada 18-ka sano ah ka socda Soomaaliya. Tiradan naxdinta leh ayuu Mareykanku u cuskaday dalabkiisa adag ee ah in la dejiyo istiraatiijiyad “macquul ah” oo ciidamada shisheeye ay dalka...
Dabley dad shacab dhimasho iyo dhaawac ugu geysatay Galgaduud
Laamaha Ammaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa ku raadjooga Koox hubaysan oo weerar jidgal ah ku qaadday Gaari noociisu yahay Toyota Probox oo u socday Aroos kaasoo marayay duleedka Deegaanka Laanjabane ee Gobolka Galgaduud. Inta la xaqiijiyay weerarkaas waxaa ku dhintay 3 ruux halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, waxaana dadka dhaawaca soo gaaray loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee...
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka 2026
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo si rasmi ah u ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, taas oo gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol, afartan iyo laba doollar). Guddoomiyaha Guddiga Wadajirka Miisaaniyadda Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xildhibaan Cabdi Warsame...
In ka badan 4.6 Milyan oo qof oo abaaraha Soomaaliya ay saameeyeen
In ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya taas oo u dhiganta ku dhowaad rubuc dadweynaha, ayaa saameyn ku yeeshay xaaladda abaaraha, sida ay sheegeen UNka. “Saaxiibada gargaarka ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 120,000 qof ay barakaceen intii u dhaxaysay Sebtembar iyo Diseembar, iyadoo qiimaha biyuhu sare u kacayo, cuntadu sii yaraanayso, xooluhuna dhimanayaan, ilihii...
Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay 11 askari oo loo haysto in si sharci darro ah hub ugu dhex wateen Caasimadda
Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay 11 eedaysane oo dhamaantood ah askar ah ka tirsan ciidanka, kuwaas oo lagu soo qabtay iyagoo si sharci darro ah hub uga dhex sita bartamaha magaalada Muqdisho. Talaabadan lagu soo qabtay askartan ayaa timid kadib hawlgalo amni xaqiijin ah oo ay ciidamadu ka fuliyeen qaybo ka mid ah degmadooyinka caasimadda si looga hortago...
Maraykanka oo xilka ka qaaday Safiirka Soomaaliya iyo dublamaasiyiin kale
Dowladda Mareykanka ayaa dib ugu yeertay ku dhowaad 30 dublamaasi oo sare, kuwaas oo uu ku jiro Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, tallaabadan oo qeyb ka ah dib-u-habeyn lagu sameynayo siyaasadda dibadda ee Mareykanka, si ay ula jaanqaaddo ajendaha “America First”. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, madaxda safaaradaha ee ugu yaraan 29 dal ayaa toddobaadkii hore...
Doorashooyinka lagu muransanyahay,laaluushka iyo Warbaahinta
Magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta khamiista ah ay ka dhacaan dooashooyinka Golahada Deegaanka gobolka banaadiR taas oo uu ka jio khilaaf xoogaan, waxana jia cabashooyin badan oo ku saabsan qaabka ay u dhaceyso Doorashadaas,Dadka qaar ayaa qaba in Doorashadaas ay tahay mid uu wato madaxweynaha waqtigiisa sii dhamanaya ee xasan sheikh maxamuud. Doorka warbaahinta qaar...









