Doorashooyinka lagu muransanyahay,laaluushka iyo Warbaahinta
Magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta khamiista ah ay ka dhacaan dooashooyinka Golahada Deegaanka gobolka banaadiR taas oo uu ka jio khilaaf xoogaan, waxana jia cabashooyin badan oo ku saabsan qaabka ay u dhaceyso Doorashadaas,Dadka qaar ayaa qaba in Doorashadaas ay tahay mid uu wato madaxweynaha waqtigiisa sii dhamanaya ee xasan sheikh maxamuud. Doorka warbaahinta qaar...
Taiwan oo ka jawaabtay hadal uu Madaxweyne Xasan Sheekh kaga hadlay qadiyadeeda
Xafiiska Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa soo saaray warbixin rasmi ah oo uu kaga jawaabayo hadal uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku duray qadiyada Taiwan, kadib wareysi uu siiyay telefishinka CGTN 21-kii Diseembar 2025. Warbixinta ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu wareysigaas ku sheegay in Shiinuhu leeyahay awood militari oo uu “dib ugu soo celin karo” Taiwan, hadalkaas...
Booliska Soomaaliya oo sheegay in khamiista la xiri doono Wadooyinka Muqdisho.
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ( Diyaano), ayaa sheegay in maalinta khamiista ah oo ay taarikhdu ku beegan 25 ka Decembar 2025, la xadidi doono guud ahaan dhaqdhaqaaqa magaalada si dadku nabadgalyo ugu codeeyaan doorashooyinka la filayo in ay ka billaawdaan degmooyinka Gobolka Banaadir. Kulan uu taliyahu isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qeybaha iyo fadhiyada gaarka ah...
Duullimaadka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo loo hakinayo Doorashada ka dhacaysa Muqdisho
Hay’adda Duullista Rayidka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Duullimaadka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ee Magaalada Muqdisho la joojin doonno 25ka Bishaan sabab la xiriirta Doorashada ka dhacay Gobolka Banaadir. Warqad kasoo baxday Maamulka Hay’addaan ayaa lagu wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha ee Duullimaadka ka sameeya Garoonka Aadan Cadde, Shaqaalaha ka howlgalla iyo Dadka rayidka ah ee ka dhoofa kana...
Dagaal ka dhashay Nabadoon lagu xiray Jalalaqsi oo ka dhacay Degmadaas
Xiisad ka dhalatay nin la sheegay in uu yahay Nabadoon oo lagu xiray Degmada Jalalaqsi ayaa saamaysay nabadgalyada iyo howlaha shaqo ee Maamulka Degmadaasi kaddib markii kooxo hubaysay ay isku dayeen in ay si xoog ah usii daayaan nabadoonkaas. Sida ay u sheegeen wabaahinta ilo kala duwan, xalay Magaalada Waxa ay dadka deegaanka ku hoydeen dhiilladaas iyada oo saaka rasaas...
Midowga Afrika oo Ka Wadahadlay Xaaladda Soomaaliya iyo Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM
Golaha Nabadda iyo Amniga (PSC) ee Midowga Afrika (AU) ayaa yeeshay kulan gaar ah oo diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda isbeddelaysa ee Soomaaliya iyo howlaha Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Doodaha kulanka ayaa xoogga lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee dalka, iyo sidoo kale xaaladda dhaqaale ee adag ee horyaalla hawlgalka iyo sida wax...
Shaqaale UN-ka ka tirsan oo u afduuban Al-Shabaab oo ka codsaday Qaramada Midoobay iyo Dowladda Kenya in la sii daayo
Ambrose Kimiti, oo ah dhakhtar Kenyan ah kana tirsanaa kooxda daad-guraynta caafimaadka ee Qaramada Midoobay (UN) ee ka hawlgasha Soomaaliya, ayaa fariin muuqaal ah u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, Madaxweynaha Kenya William Ruto, iyo shacabka Kenya, isagoo sheegay in isaga iyo xubno ka mid ah kooxdiisa ay ku jiraan gacanta Al-Shabaab in ka badan hal...
Toogasho ka dhacday Koofur Afrika oo lagu dilay ugu yaraan 9 qof
Dalka Koofur Afrika gaar ahaan magaalada Johannesburg waxaa ka dhacday toogasho wadareed lagu dilay ugu yaraan 9 qof halka lagu dhaawacay in ka badan 10 ruux sida ay ku warrameen saraakiil katirsan hay’adaha ammaanka Dalkaas. Koox aan la aqoonsaday ayaa weerartay Goob Maqaaxi ah oo ay ku sugnaayeen inta badan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, waxa uu Booliisku tilmaamay in...
Madaxweynaha Masar oo markale kuceliyay in dalkiisu diyaar u yahay kamid noqoshada Howlgalka AUSSOM
Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii loo gaari lahaa xasillooni iyo ammaan Geeska Afrika si loo adkeeyo marin biyoodka Badda Cas. Madaxweyne Al siisi ayaa arintaan ku micneeyay iyadoo la tixgelineyo in marin biyoodkaan uu muhiim u yahay amniga gobolka iyo kan caalamiga ah. Wuxuu intaas ku daray in Masar ay damacsan tahay...
Maraykanka oo Venezuela ka qabsaday Markab Shidaal waday
Dowladda Maraykanka ayaa gacanta ku dhigtay markii labaad oo kasoo ambabaxay dalka Venezuela sida ay ku warrantay Waaxda Amniga Gudaha Dalkaas oo warbixin hordhac ah kasoo saartay howlgalkaan qorsheysnaa ee dhacay. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhowaan amar ku bixiyay in la beegsado Maraakiibta ka timaada ama u socota Dalka Venezuela si looga hortago daroogada uga soo gudubta dhinaca dalkaas...









