Home WARARKA Maamulada Puntland Iyo Galmudug Oo Kawada Hadlay Xiisada Ka Taagan Gaalkacyo

Maamulada Puntland Iyo Galmudug Oo Kawada Hadlay Xiisada Ka Taagan Gaalkacyo

1
0

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka shiray xaaladda amaan ee magaaladda Gaalkacyo xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka ka dhexeeya maamul goboleedka Puntland iyo dowladda federaalka.

Gudiga amniga gobolka Mudug oo ay shir gudoomiyeen wasiir ku xigeenka amniga Pntland iyo wasiirka amniga Galmudug Aadan Warsame Cilmi, ayaaa waxaa ka qeybka haa  masuuliyiin heer Wasiir, heer Gobol iyo heer Degmo ah.

May be an image of studying

Kulankan looga hadlay amniga gobolka Mudug ayaa imaanaya xilli dhawaan maamulka Puntland warqad ay soo saartay digniin ugu dirtay maamulka Galmudug taasoo ay kaga dalbaneysay inaan dhinaca maamulka Galmudug aanu soo marin hub iyo saanad ciidan garoomada dhulka ay ka arrimiso kaas oo ay sheegtay in la doonayo in lagu dhibaateeyo shacabka maamulka Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale baa’bi isay Isla warqadaas meeshana ka saartay jiritaanka ciidanka PSF ee ka taliya dhulkeeda iyo sidoo kale ciidan dowladda federaalka uga diiwaan gashan guud ahaan deegaanadda maammulka Puntland.

Masuuliyiinta ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac, iyagoo tilmaamay in kulamada joogtada ah ee amniga ay door weyn ka qaadanayaan xoojinta kalsoonida iyo nabadda bulshada.

kulanka ay yeesheen gudiga amniga gobolka Mudug masuuliyiinta labada dhinac ayaa warbaahinta la hadlay iyagoo socod ku maray labada dhinac ee magaaladda Gaalkacyo.

May be an image of one or more people

Maalinta biri ah oo Khamiista ah magaaladda Gaalkacyoayaa waxaa ay  martigalinaysaa doorashada lagu Muransanyahay maamulka Galmudug oo uu ololeheedu si xowliya u socday todobaadyadii lasoo dhaafay.

DHEERAAD:  Wararkii ugu dambeeyey tirada Soomaalida ku dhimatay dhul-gariirka Turkey oo korortay

Dhanka kale Puntland ayaa la wareegtay hub iyo ciidan kusugnaa gobolka Bari kuwaas oo la sheegay inay ka u diiwaan gashanyihiin dowladda federaalka oo uu dagaal dhexmaray.

Magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa kasoo kabsatay colaad dhex martay labada maamul muddo laga joogo sagaal sano taasoo la xiriirtay jiritaanka Galmudug taasoo ay ku wax yeeloobeen shacab farabadan hase yeeshee labada maamul ay ka heshiiyeen markii dambe.

May be an image of text that says "I POLICE"

No photo description available.

May be an image of studying

May be an image of one or more people and dais

 

May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and beard

May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here