Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa mar kale ku adkeystay taageerada buuxda ee Masar ay u hayso dhammaan dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Masar ay ka go’antahay taageerida hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya iyo ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo dalka guud ahaan, gaar ahaan maadaama xasilloonida Soomaaliya ay tahay tiir muhiim ah oo amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, iyo sidoo kale nabadda iyo amniga gobolka iyo caalamkaba.
Abdelatty wuxuu hadaladayda ka jeediyey markii uu shir la yeeshay Jimcaha, 31ka July 2026, Qurat-ul-Ain Sadozai, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee KMG ah iyo Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), intii lagu guda jiray Shirka Labaad ee Gaarka ah ee Dalalka Bixiya Ciidamada ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo lagu qabtay caasimadda Uganda, Kampala.
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay helidda maalgelin waarta oo loogu talagalay hawlgalka Midowga Afrika, isaga oo muujiyay walaac weyn oo ku saabsan caqabadaha dhaqaale ee haysta ciidanka.
Wuxuu ku baaqay in saaxiibada caalamiga ah iyo xubnaha Golaha Amaanka ee QM ay sii wadaan taageerada hawlgalka isla markaana hubiyaan in uu helo agabka iyo dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah si uu u fuliyo howshiisa si hufan.
Abdelatty sidoo kale wuxuu xusay baahida loo qabo in la sii wado AUSSOM iyo UNSOS, iyadoo la hubinayo joogteyntooda iyo maalgelin ku filan si loo caawiyo ilaalinta amniga, xasiloonida, iyo midnimada Soomaaliya.
Wuxuu mar kale xaqiijiyey diyaar-garowga Masar ee sii wadi doonta taageerada Soomaaliya, ha ahaato iyadoo loo marayo howlgallada Midowga Afrika ama iskaashi laba-geesood ah, isagoo ka faa’iidaysanaya khibradda ballaaran ee Masar ee la-dagaallanka argagixisada, ammaanka xuduudaha, iyo dhisidda awoodda hay’adaha si kor loogu qaado xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka intiisa kale.



