Ra’iisul Wasaaraha dowladda Liibiya ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu adkeynayo xeerarka gelitaanka muwaadiniinta ka soo jeeda Sudan, Eritrea, Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid looga gol leeyahay xakameynta qulqulka muhaajiriinta iyo la dagaallanka socdaalka sharci...
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda loo haysto Sacdiya Bajaaj, oo wajahaysa eedeymo la xiriira kicin dadweyne, iyadoo hadda la sugayo go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamadda.
Dhageysiga kiiska oo socday ku dhowaad saddex saacadood ayaa maxkamaddu...
Magaalada Garoowe ayaa waxaa laga dareemayaa xiisad u dhaxaysa Puntland iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo xiriir la leh dowladda federaalka, kaddib iska hor imaad shalay dhex maray ciidamada ammaanka iyo ilaalada siyaasi Maxamuud Mashruuc oo la taliye u ah...
Xamsa Cabdi Barre ayaa ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug si uu ula kulmo mas’uuliyiinta Maamulkaas iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Xamsa Cabdi Barre waxaa Dhuusamareeb uga sii horreeya Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed...
Somaliland ayaa ku amartay dhammaan ajaanibta sida sharci-darrada ah ku jooga deegaannadeeda inay muddo 10 cisho gudahood ah kaga baxaan, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay mid lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Somaliland.
Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo),...
Roobab mahiigaan ah oo ka da’aya magaalada Muqdisho maalintii labaad ayaa sababay fatahaado ku baahay waddooyin waaweyn iyo xaafado badan, taas oo hakad gelisay isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee caasimadda Soomaaliya.
Biyo fariistay waddooyin muhiim ah ayaa ku qasbay...
Al-Shabaab ayaa xoojisay dhaqdhaqaaqyada canshuur-qaadista ee ka socda deegaannada iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Jowhar, xarunta dowlad-goboleedka HirShabeelle, iyadoo ka faa’iideysaneysa saameynta roobabka xilliyeed ee hakiyay isu socodkii caadiga ahaa.
Roobka da’aya ayaa sababay in qaybo kamid ah waddada laamiga...
Dagaal Culus ayaa ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba, kaas oo u dhexeeyay ciidamo taabacsan Madaxweynihii hor ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo kuwa dowladda ee ku sugan duleedka magaalada Baydhaba .
Ciidamado daacadda u ah Lafta-gareen ayaa si...
Dowladda Kenya ayaa diyaarisay Ciidamo cusub oo qayb ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM kuwaas oo tababar kusoo dhammaystay xero ciidan oo ku taalla Isiolo si ay u xoojiyaan ciidanka KDF ee jooga Soomaaliya tan iyo sannadkii 2011.
Boqolaal...
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay afartii weerar ee ugu dambeeyay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo duqeymahaasi lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.
Sida ay AFRICOM ku sheegtay war-saxaafadeedkeedi, weerarrada...









