Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay 14 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen howlgal qorsheysan oo laga fuliyay degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday...
Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay Soomaaliya u qoondaysay $10 milyan oo degdeg ah si looga hortago halista macluul ee sii kordheysa, xilli malaayiin qof ay wajahayaan cunto yari ba'an.
Madaxa Arrimaha Gargaarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, ayaa...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Israa'iil, isaga oo sheegay in booqashadiisa Israa'iil ay tahay mid taariikhi ah, isaga oo noqday Madaxweynihii 5aad ee Muslim ah ee booqasho rasmi ah ku taga dalka...
Xukuumadda Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa diyaarisay qaraar ku saabsan in doorashada soo socota ee Maamulkaas ee 2029 laga dhigo mid Dadweyne si meesha looga saaro doorashooyinka Dadban ee muddo wax lagu soo dooranayay.
Qaraarka ay diyaarisay Xukuumadda Deni ayaa berri...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland mid aan u dhigmin aqoonsi caalami ah oo dhab ah, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay tahay “dabin siyaasadeed” oo Somaliland lagu marin habaabinayo.
Madaxweynihii hore...
Duleedka magaalada Baydhabo waxaa sii xoogeysanaya dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay wadaan xoogag daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta Gareen”, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbeddelladii ugu dambeeyay...
Ciidamo katirsan kuwa gaarka ah ee u xilsaaran la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ee Dalka Kenya ayaa howlgallo ka dhan ah AL-shabaab kawada Ismaamulka Mandheera si ay u raadraacaan xubno weeraray xero ciidankaas ay ku leeyihiin Degmada Lafeey.
Saraakiil...
Somaliland ayaa sheegtay inay xaq buuxa u leedahay inay doorato dalalka iyo dhinacyada ay xiriirka la yeelanayso, iyadoo sheegtay in cadaadisyada uga yimaada Shiinaha iyo Soomaaliya anay waxba ka beddelin xidhiidhka ay la leedahay Taiwan, sida ay Reuters qortay.
Hadalkan...
Murashax da’yar oo u taagnaa doorashada Golaha Deegaanka degmada Afgooye, Suleyban Axmed Guudle, ayaa xalay lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay degmada Afgooye.
Rag hubeysan ayaa rasaas waxay ku fureen Suleyban xilli uu ku sugnaa gudaha degmada Afgooye, ka...
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay walxo kiimiko ah oo loo adeegsado samaynta qaraxyada, kuwaas oo sida ay hay’addu sheegtay loo waday kooxda Al-Shabaab.
NISA ayaa sheegtay in walxahan kiimikada ah ay ku jireen in...









