Mar kale manta waxaa Muqdisho ka sii socon doona kulanka Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka, kaasi oo ay garwadeen ka yihiin Diblumaasiyiinta Mareykanka iyo Ingiriiska. Kulanka oo galaya marxalad xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Shiikh...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan ka muujiyay sii socoshada xarigga Sacdiya Macallin Cali, oo muddo ka badan bil ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyadoo aan weli si rasmi ah dacwad loogu soo oogin. War-saxaafadeed...
Dowladda Ingiriiska ayaa mar kale cusboonaysiisay digniinta safarka ee ay ka bixiso Soomaaliya, iyada oo muwaadiniinteeda uga digtay khataraha amni ee ka jira guud ahaan Soomaaliya iyo qaybo kamid ah Somaliland. Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska...
Shir saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday Dowladda Soomaaliya, Mucaaradka iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la soo gaba gabeeyay. Kulanka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed,...
1-Jabinta Xeerka Lr. 28 (Liiska Codbixiyeyaasha): Guddigu wuxuu baal-maray waajibka sharciga ah ee ah in xisbiyada la siiyo liiska kama dambaysta ah ee heer maamul goboleed, heer degmo, iyo heer goob 30 maalmood ka hor. In liiska la bixiyo 9-kii...
Kiiska afduubka markabka ganacsiga ee “MT Eureka” ee lagu haysto xeebaha Soomaaliya ayaa galay marxalad cusub, kaddib markii qoysaska qaar ka mid ah shaqaalihii saarnaa ay shaaciyeen in burcad-badeeddu kordhiyeen lacagta madax-furashada oo hadda gaartay 10 milyan oo dollar. Amiira...
Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo galabta loogu soo dhaweeyay. Saciid Deni oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa magaalada Mudisho u yimid ka qayb-galka wada-hadallado cusub...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 9 shuruud hordhigtay Ganacsatada Suuqa wayn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, shuruudahaas waxaa ka dhashay in la xiro goobaha Ganacsiga Suuqaas. Ganacsatada ayaa ku dooday in qodobada qaar ay ku adag tahay sidaas awgeed ay u...
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa si adag u dhaliilay qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isaga oo sheegay in xaaladda amni ee dalka aysan weli u saamaxayn nidaamkaas. Qarjab ayaa sheegay...
Golaha Deegaanka caasimadda Hargeysa ayaa maanta doortay maayirka cusub ee magaalada, kadib kalfadhi aan caadi ahayn oo ka qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa. Mudaneyaasha Golaha Deegaanka ayaa u doortay Cabdirisaaq Maxamed Faarax Wiiwaa inuu noqdo Maayirka cusub ee Hargeysa,...