Madfac nooca RPG ah oo ku dhacay guri ay deganaayeen dad rayid ah oo kuyaala Baydhabo

0

Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ilaa saqdii dhexe ka socday qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo, gaar ahaan xaafadaha Warshida Xasay iyo Al-Faras, halkaas oo xaaladdu aad u kacsaneyd kaddib iska horimaad hubeysan. Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo taageero ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo ciidamo la sheegay inay daacad...

Xamsa Cabdi Barre oo xarrig jaray Laamiga Degmada Dayniile

0

Xamsa Cabdi Barre ayaa saakay xarrig jaray Laamiga Degmada Dayniile oo dhismo ballaaran lagu sameeyay, waxaa wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab. Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada Dayniile iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhaweeyay Xamsa Cabdi Barre, Wasiirrad katrisan Xukuumaddiisa iyo Duqa Muqdisho ee Dayniile u tagay Xarrig jarka waddada Laamiga...

Qiimaha Shidaalka Adduunka oo u kacay colaadda dib uga qaraxday bariga Dhexe

0

Waxaa kor u kacay qiimaha Shidaalka Adduunka oo maalmo kahor hoos u dhac ballaaran ku socday kaddib markii duqaymo adag ay is dhaafsadeen Maraykanka iyo Iiraan, waxaana xirmay marinka Hormuuz halkaas oo maraakiib badan ay taagan yihiin. Sarakaca hadda jira waa 0.9% waxaana suuragal ah in bisha Agoosto uu halkii fuusto ay gaarto $73.21 waa haddii aan isbaddel degdeg ah...

Waa maxay ujeedka safarka Xasan Shiikh ee dalka Itoobiya?

0

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Safarka Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa salka ku haya xoojinta xiriirka qotoda dheer ee diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Inta uu ku sugan yahay Addis Ababa, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan...

Deegaannada Maamulka Waqooyi Bari oo hubka sharci darrada ah laga mamnuucay

0

Wasaaradda Amniga ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah u shaacisay go’aan lagu mamnuucayo in hub lala dhex maro magaalooyinka waaweyn ee deegaanadaas. Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Amniga ayaa lagu caddeeyay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 28-ka Juun 2026, aysan jiri karin cid aan ka tirsanayn ciidamada amniga oo hub...

Deni oo Garoowe ka billaabay kulamo looga hadlayo culayska siyaasadeed uu ka dareemay ciidanka Federaalka

0

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ka billaabay kulamo la xiriira culayska uu ka dareemayo ciidanka Federaalka ee deegaannada maamulkaas ku sugan. Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Siciid Deni ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo Odoyaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Saraakiisha, Bulshada Rayidka iyo dhinacyo kale si uu ugu bandhigo culayska siyaasadeed...

Booliska London oo xiray nin asal ahaan Soomaali ah kaddib markii gaari uu ku jiiray dad lugeynayay

0

Nin 34 jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, haystana dhalashada Britain, ayaa la xiray kaddib markii gaari uu waday uu ku jiiray dad lugeynayay oo ku sugnaa degmada Ealing Broadway ee magaalada London. Sida ay sheegeen booliska London, shan qof ayaa ku dhaawacmay dhacdada, iyadoo dhammaan dhaawacyada lagu tilmaamay kuwo aan halis gelin nolosha dadkaasi. War-saxaafadeedka booliska ayaa...

Burkina Faso oo xiriirka u jartay dalka Faransiiska

0

Dowladda Burkina Faso ayaa ku dhowaaqday inay gebi ahaanba xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay dalka Faransiiska, xilli sanadihii la soo dhaafay uu taagnaa khilaafka labada dowladood. War-saxaafadeed rasmi ah oo laga baahiyay telefishinka qaranka, ayaa dowladda Burkina Faso waxay ku sheegtay in Faransiisku uu si bareer ah ugu xadgudbay madaxbannaanida dalka, isagoo faragelin toos ah ku hayay arrimaha gudaha. Wasiirka Isgaarsiinta ee...

Fiqi oo u jawaabay Sanbaloolshe: Inuu noolyahay ayaa naxariis ah

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa si kulul ugu jawaabay Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo xalay weerar afka ah ku qaaday Xasan Sheekh Maxamuud. Sanbaloolshe ayaa weerarkii lagu qaaday isaga iyo Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ku eedeeyay inuu amray Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana la rabay in la dilo,...

Qarax sababay dhaawaca labo qof oo ka dhacay Magaalada Jowhar

0

Qarax miino oo sababay dhaawaca labo qof ayaa barqonimadii maanta ka dhacay Kontoroolka Koofureed ee Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad-Goboleedka HirShabeelle. Labada qof ee dhaawaca soo gaaray ayaa lagu kala sheegay Askari katirsan Ciidamada Ammaanka ee goobta ku sugnaa iyo qof shacab ah oo la tilmaamay in uu goobtaas ka dhawaa. Ciidamo katirsan Booliiska oo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay...