Qarax sababay dhaawaca labo qof oo ka dhacay Magaalada Jowhar

0

Qarax miino oo sababay dhaawaca labo qof ayaa barqonimadii maanta ka dhacay Kontoroolka Koofureed ee Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad-Goboleedka HirShabeelle. Labada qof ee dhaawaca soo gaaray ayaa lagu kala sheegay Askari katirsan Ciidamada Ammaanka ee goobta ku sugnaa iyo qof shacab ah oo la tilmaamay in uu goobtaas ka dhawaa. Ciidamo katirsan Booliiska oo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay...

Qaramada Midoobay oo xil sare u magacowday mas’uul Soomaaliyeed

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ku dhawaaqay magacaabista muwaadinka Soomaaliyeed ee Mohamed Yahya inuu noqdo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani'aadannimada iyo Ku-xigeenka Isku-duwaha Gurmadka Degdegga ah ee xafiiska QM ee isku xirka arrimaha gargaarka OCHA. Maxamed Yahya ayaa xilkan kala wareegaya Joyce Msuya oo u dhalatay Tanzania, taasoo Xoghayaha Guud iyo Isku-duwaha Gurmadka Degdegga ah ay...

Mareykanka: Eedeysane ku lug lahaa musuqii $250 milyan ee Minnesota oo lagu qabtay Muqdisho

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho lagu xiray Cabdikariim iidle, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha musuqii ballaarnaa ee la xiriiray barnaamijkii "Feeding Our Future", kaas oo lagu lunsaday ku dhowaad 250 milyan oo doollar xilligii cudurka COVID-19. Sida ay saraakiisha federaalku sheegeen, Cabdikariim iidle oo 42 jir ah ayaa la qabtay Khamiistii, kadib howlgal ay si...

Booliska Mudug oo gacan ku dhigay toddobo eedeysane oo loo haysto kufsi wadareed ka dhacay Gaalkacyo

0

Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen toddobo qof oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen fal kufsi wadareed oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Booliska, howlgal degdeg ah ayaa la bilaabay kaddib markii ciidamada ay heleen xogta la xiriirta dhacdada, waxaana lagu guuleystay in dhammaan eedeysanayaasha la soo qabto muddo laba saac gudahood...

Ururka CSHRD oo cambaareeyay xukunka Saddexda sano ah ee lagu riday Sacdiyo Bajaaj

0

Ururka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (CSHRD) ayaa si kulul u cambaareeyay xukunka saddexda sano ee xabsiga ah ee lagu riday Sacdiyo Macalim Cali, isagoo ku tilmaamay mid lagu cabburinayo xorriyadda hadalka iyo codadka dhalinyarada. War-saxaafadeed uu ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in Sacdiyo Macallin Cali ay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah, iyadoo lagu eedeeyay...

Madaxweyne Cirro: Israa’iil iyo Denmark oo Keliya Ayaa Ka Jawaabay Codsigii Aqoonsiga Somaliland

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Israa'iil iyo Denmark ay ahaayeen labada dal ee keliya ee ka jawaabay waraaqihii ay Somaliland u dirtay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee la xidhiidhay codsiga aqoonsiga. Madaxweynaha oo xalay ka hadlay munaasabadda xuska 26-ka Juun ayaa sheegay in Israa'iil ay ku wargelisay Somaliland inay aqoonsanayso, halka Denmark ay...

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud oo amar ku bixiyay in la soo xiro sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka

0

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro Ascad Maxamuud Yuusuf, oo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Kormeerka Xuduudaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kadib markii lagu eedeeyay falal la xiriira tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka. Warqad kasoo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, kuna socotay Taliyaha Booliiska Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa lagu sheegay...

Qoorqoor oo shaaciyey inuu ka haray tartanka doorashada Galmudug

0

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tanaasulay ka qeybgalka doorashada madaxtinimada Galmudug ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb. Qoorqoor ayaa go’aankan ku shaaciyey munaasabaddii xuska 26-ka Juun oo habeenkii xalay lagu qabtay Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb, oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, maamulka Galmudug iyo...

RW Ku-xigeenka DF oo laga soo celiyey Garoonka Jomo Kenyatta Nairobi

0

Laanta Socdaalka Kenya ayaa dib ugu soo celisay magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, kaddib dhacdo ka dhacday Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee magaalada Nairobi. Jibriil ayaa laga hakiyey habraacyada socdaalka xilli uu ku sugnaa garoonka, iyadoo saraakiisha socdaalka Kenya ay ku doodeen inuu watay baasaboor Kenyan ah oo aan waafaqsanayn shuruucda...

Yurub oo xaddiday fiisooyinka Soomaalida

0

Midowga Yurub (EU) ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo ku-meel-gaar ah oo lagu adkeynayo helitaanka fiisooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaddib markii warbixin rasmi ah lagu qiimeeyay heerka wada-shaqaynta Soomaaliya ee dib u qaadashada muwaadiniinteeda ku sugan dalalka Yurub si sharci-darro ah. Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya aysan weli muujin wada-shaqayn ku filan oo ku aaddan aqbalidda iyo dib u...