Muqdisho: In ka badan 46 Kun oo Arday oo u Fariistay Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir, iyadoo sanad-dugsiyeedka 2025/2026 ay imtixaanka u fariisteen 46,225 arday. Sida ay sheegeen masuuliyiinta waxbarashada gobolka, imtixaanka ayaa ka socda 125 xarumood oo ku kala yaalla degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana la sameeyay qorsheyaal lagu...

Maraakiibta ku xayiran Marinka Hormuz oo looga dhex dabbaaldegay heshiiska Maraykanka & Iiraan

0

Maraakiibta Shidaalka wada ee ku xayiran Marinka Hormuz waxaa ku dhex dabbaaldegay Shaqaalaha saaran ee halkaas ku xayirnaa maadaama heshiis ay wadagaareen Maraykanka iyo Iiraan oo colaadda ka dhex jirta darteed u xayirmeen. Waxa ay indhaha ku hayeen dhaqdhaqaaqyada wadahadallada oo marba dhinac loo riixayay iyada oo ugu dambayn la isku afgartay in 19ka Bishaan oo ku beegan Jimcaha qallinka...

Deni oo daahfuray kalfadhiga 58aad ee Golaha Wakiillada DG Puntland

0

Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daahfuray kalfadhiga 58aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas, waxa uu u jeediyay khudbad uu uga hadlay Amniga, Siyaasadda, Tababarka ciidamada, Doorashooyinka iyo qodobo kale. Waxa uu soo hadal qaaday khayraatka Dabiiciga ah ee Dowlad-Goboleedka Puntland ku jira, Deni ayaa tilmaamay in si ka madaxbannaan Dowladda Dhexe ee Federaalka ay ka faa’iidaysan doonnaan sida...

Ciidanka Danab oo 14 ka tirsan Al-Shabaab ku dilay howlgal ka dhacay Kurtunwaarey

0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay 14 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen howlgal qorsheysan oo laga fuliyay degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Sida lagu sheegay warbixinta, ciidamada ayaa intii uu socday howlgalka dilay...

Qaramada Midoobey oo $10 Milyan ugu deeqday Soomaaliya

0

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay Soomaaliya u qoondaysay $10 milyan oo degdeg ah si looga hortago halista macluul ee sii kordheysa, xilli malaayiin qof ay wajahayaan cunto yari ba'an. Madaxa Arrimaha Gargaarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, ayaa sheegay in lacagta laga sii daayay Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay si loo taageero dadka ugu nugul ee...

Madaxweynaha Somaliland oo gaaray dalka Israa’iil

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Israa'iil, isaga oo sheegay in booqashadiisa Israa'iil ay tahay mid taariikhi ah, isaga oo noqday Madaxweynihii 5aad ee Muslim ah ee booqasho rasmi ah ku taga dalka Israa'ii. Madaxweyne Cirro ayaa waxa Soo dhaweeyay Madawaynaha Israa'iil, markii uu dalkaasi gaadhay. Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, Madaxweyne Cirro...

Deni oo Baarlamaanka Puntland u gudbinaya in doorashada soo socota ee 2029 laga dhigo mid Dadweyne

0

Xukuumadda Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa diyaarisay qaraar ku saabsan in doorashada soo socota ee Maamulkaas ee 2029 laga dhigo mid Dadweyne si meesha looga saaro doorashooyinka Dadban ee muddo wax lagu soo dooranayay. Qaraarka ay diyaarisay Xukuumadda Deni ayaa berri oo Isniin ah lagu wadaa in la horgeeyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland si uu dood u geliyo kaddibna loo ansixiyo...

Xasan Sheekh oo banaanka soo dhigay wada hadal dhexmaray Soomaaliya iyo Israel

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland mid aan u dhigmin aqoonsi caalami ah oo dhab ah, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay tahay “dabin siyaasadeed” oo Somaliland lagu marin habaabinayo. Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil uusan wax isbeddel ah ku keenayn mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Laftagareen oo dhaqdhaqaaqyo ka wada duleedka Magaalada Baydhabo

0

Duleedka magaalada Baydhabo waxaa sii xoogeysanaya dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay wadaan xoogag daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta Gareen”, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbeddelladii ugu dambeeyay ee maamulka gobolka. Gaadiid dagaal oo gaashaaman iyo hub culus Ayaa la geeyay fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamada taageersan Lafta...

Ciidanka gaarka ah ee Kenya oo howlgallo ka dhan ah AL-shabaab kawada Mandheera

0

Ciidamo katirsan kuwa gaarka ah ee u xilsaaran la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ee Dalka Kenya ayaa howlgallo ka dhan ah AL-shabaab kawada Ismaamulka Mandheera si ay u raadraacaan xubno weeraray xero ciidankaas ay ku leeyihiin Degmada Lafeey. Saraakiil katirsan ciidamada Kenya ayaa ku warramay in xubnaha weerarka qaaday ay beegsadeen xeradaas ay ku sugnaayeen ciidamada oo la sheegay...