Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo iska soo horjeeda oo ay kala wadaan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, kulamadaan intooda badan waxa ay quseeyaan Amniga & Bannaanbaxa abaabulkiisa uu socdo.
Sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta ilo kala duwan, waxaa saacadihii lasoo...
Hay’adda Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI) ayaa ka digtay in howlgalada nabad ilaalinta ee caalamiga ah oo uu ku jiro midka Soomaaliya ee AUSSOM ay wajahayaan qalalaase aan horay loo arag, kuwaas oo ay sabab u yihiin loollanka quwadaha...
Taliska howlgalka gaarka ah ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bilaabay inay raadiyaan khubaro la-talin ka bixiya siyaasadda, dhaqanka iyo qaab-dhismeedka qabaa’ilka Soomaaliya, sida lagu sheegay ogeysiis cusub oo dowladda Mareykanka soo saartay.
Qandaraaska, oo la shaaciyay dabayaaqadii May, ayaa lagu...
Siyaasiga mucaaradka Jabuuti Alexis Mohamed Gueldon ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud, inuu wiiqay kalsoonidii nidaamka federaalka dalka, isagoo sheegay in siyaasadaha dowladda federaalka ay sii xoojiyeen khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Gueldon ku...
Warbixin ka timid Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo loo gudbiyay Congress-ka ayaa lagu sharaxay mowqifka Dowladdaas ee Soomaaliya, waxaana markale ay Washington caddaysay in Madaxbannaanida & Wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsan ahay.
Maraykanka ayaa sheegay in uu xiriir iyo...
Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), El Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta xarunta AUSSOM ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Salaax Keshtah.
Kulanka...
War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay dedaallada lagu xoojinayo dib usoo celinta wadahadalladii ay horay ugu kala tageen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka.
Safaaradda ayaa ku biirtay Dalal & Ururro uga horreeyay baaq kan lamid...
Ciidanka Booliiska Puntland ayaa soo saaray digniin ku saabsan khataraha ka dhasha safarka waddooyinka waaweyn xilligan oo ay da’ayaan roobabka Gu’ga, iyagoo shacabka ugu baaqay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah marka ay marayaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka ay biyuhu...
Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarro kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar, kuwaas oo loo adeegsaday qaraxyo jugtooda laga maqlay bartamaha magaaladan oo caasimad u ah Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed HirShabelle.
Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Laanta Isnaay ee...
Saddex Arday ayaa ku dhaawacantay rasaas uu furay Askari katirsan ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland oo ilaalinayay Arday galaysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Maamulkaas oo lagu qaadayay Iskuul ku yaalla Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.
Ardayda dhaawaca soo gaaray ayaa loo...









